William Ruto oo laga dalbaday inuu qoro farriin ku saabsan weerarkii diyaaraddii Raila

0
437

Xildhibaanka bariga Suna ee ismaamulka Migori Junet Maxamad ayaa madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ka dalbaday inuu xarunta waaxda dambi baarista ee DCI-da ka qoro farriin ku saabsan weerarkii maalmo ka hor lagu bartilmaameedsaday diyaarad sidday madaxa xisbiga ODM Raila Odinga.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo weli ay socdaan baaritaannada ku aaddan falkaasi oo dhagaxaan loo adeegsaday.
Junet ayaa sheegay inay qasab tahay in Ruto dhacdadaasi wax laga weydiiyo.
Raila Odinga ayaa xilligaasi tuulada Kabenes ee ismaamulka Uasin Gishu uga qayb galayay aaska ganacsadihii geeriyooday Jackson Kibor.
Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa weerarka ku tilmaamay mid nasiib darro ah isagoo raali gelin ka bixiyay.
Hasa ahaate Junet Maxamad ayaa su’aal gelinaya in Ruto uu si daacad ah raaligelin u bixiyay.
“Waxaad un raali gelin ka bixinaysa dembi aad gashay, hoggaamiye ahaan waxaa laga doonaya inuu cambaareeyo rabshadda” ayuu yiri Junet Maxamad.