Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa magaalada Washington DC kulan kula qaatay ku xigeenka xoghayaha waaxda dibadda ee Maraykanka u qaabilsan arrimaha Afrika Molly Phee.
Qoraal iyo sawirro ay ku weheliyaan madaxa xisbiga ANC Musalia Mudavadi , madaxa ololihiisa siyaasadeed ee arrimaha dibadda Ababu Namwamba, xildhibaanka deegaanka Township Aadan Barre Ducaale iyo barasaabka ismaamulka Kirinyaga Anne Waiguru ayuu Ruto soo dhigay baraha bulshada.
Waxaa uu hoggaamiyaha labaad ee dalka hoosta ka xarriiqay in Kenya iyo Maraykanka uu ka dhexeyo xiriir saaxiibtinnimo oo aad u wanaagsan .
Ruto ayaa qoraalkiisa ku sheegay in Kenya ay sii wadi doonto adkeynta xiriirka kala dhexeya Maraykanka si gaar ah ka shaqeynta nabadgalyada iyo xasiloonida bariga iyo geeska Afrika.