Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa bulshada muslimiinta ah uga tacsiyadeeyay geeridii xalay ku timid Sheekh Athman AbdulHalim Hussein oo ahaa qaadiga guud ee Kenya.
Waxaa uu ku tilmaamay shakhsi noloshiisa u hibeeyay u adeegidda aadanaha oo muslimiinta u hoggaaminayay si ay ku dheehan tahay dadaal , dabacsanaan iyo xikmad.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa xusay in Sheekh Athman lagu xusuusan doono inuu ahaa daaci muslim ah oo ay ka go’anayd ka shaqeynta cadaaladda.
Waxaa uu dhammaan muslimiinta iyo si gaar ah qoyskii uu ka baxay uu u rajeeyay samir iyo adkeysi xilligan adag. Waxaa sido kale tacsi direy raisul wasaarihii hore ee dalka kenya Raila Odinga.