DHAGEYSO:William Ruto oo ka jawaabay hadal uu dhawaan jeediyay Kalonzo Musyoka

0
616

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa u jawaabay hoggaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka oo dhawaan sheegay inuu mudnaanta koowaad siinaya sidii uu uga guulaysan lahaa Ruto.
Waxaa uu Kalonzo iyo siyaasiyiinta kale ee ku midoobay isbeheysiga NASA kula taliyay inay la yimadaan qorsho cad oo siyaasadeed .
Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay inuu diyaar u yahay in sanadka 2022-ka uu madaxtinimada dalka kula tartamo cid kasta oo isa soo sharraxdo.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in xisbigiisu uu yahay UDA sido kalena uu adeegsanaya istaraatiijiyadda ah in kobcinta dhaqaalaha laga soo billaabo meel hoose oo la taageero danyarta iyo ganacsatada yaryar.
Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa siyaasiyiinta garabka mucaaradka ku wargeliyay in hadii aynan xilli hore is diyaarin mar kale looga adkaan doono loolanka siyaasadeed ee sanadka soo socdo

Ruto iyo Kalonzo ayaa ka mid ah shakhsiyaadka doonaya inay qabtaan hoggaanka ugu sarreeya wadanka.