William Ruto oo dhigiisa Uganda ka codsaday inuu taageero musharraxnimada Raila Odinga ee AU-da

0
177

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dhigiisa Uganda Yoweri Museveni ka codsaday inuu taageero musharraxnimada Ra’iisul Wasaarihii hore ee wadanka Raila Odinga ee xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee AU-da.
Raila Odinga ayaa dhankiisa qoraal ku sheegay inuu maalmo ka hor casuumaad ka helay madaxweyna dalka Uganda Yoweri Museveni oo u soo bandhigay inuu si wadajir ah ula kulmo isaga iyo William Ruto taasina uu ka oggolaaday.
Waxaa uu xaqiijiyay in kulanka ay la yeesheen Museveni lagu taageeray mushharaxnimadiisa guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika isagoo taasi uga mahadceliyay hoggaamiyaha Uganda.
Raila Odinga ayaa sidoo kale madaxweyne William Ruto uga mahadnaqay taageerida musharraxnimadiisa.