Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa sheegay inuu aad ugu kalsoon yahay in doorashada guud ee sanadkan Kenya ka dhacaysa ay noqon doonto mid nabad , xor iyo xalaa ah.
Waxaa uu sheegay in isaga iyo xulafadiisa ay ka go’an tahay ka shaqeynta ammaanka ka hor doorashada, inta lagu guda jiro iyo marka laga gudbo ka dib.
William Ruto ayaa musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio Raila Odinga, oo uu tartan kala dhexeya ku boorriyay in isagana uu xaqiijintan siiyo kenyaanka.
Ruto ayaa xusay in doorashada ay tahay xilli ay dadweynaha fursad u helaan inay soo doortaan madax u adeegta sidaas awgeedna aan loo arkin arrin geeri iyo noolol oo kale.
William Ruto ayaa dhanka kale cid kasta oo uu u gafay weydiistay inay cafiso.
Waxaa uu kulanka Alle bariga ee maanta ka qirtay in maamulka Jubilee uu ka gaabiyay fulinta dhammaan rajooyinkii shacabka.
Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa cafis weydiistay hoggaamiyaha wadanka Uhuru Kenyatta oo uu muddo khilaaf kala dhexeyay.
Waxaa uu nabad iyo caafimaad u rajeeyay madaxweynaha ka dib marka uu xafiiska baneeyo.