William Ruto oo ballanqaad u sameeyay haweenka

0
344

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa maanta sheegay in haddii hoggaanka uu qabto maamulkiisa uu mudnaan siin doono dumarka.
Waxaa uu sheegay inay qorsheyeen in muddo hal sano gudaheeda ah ay ku xalliyaan caqabadda la xiriirta dhaqangelinta xeerka dastuuriga ee iskudheelitirka jinsiyadeed.
Dastuurka wadanka ayaa dhigaya in wax ka badan saddex meelood labo meel shakhsiyaadka loo soo magacaabo xilalka bulshada loogu adeego aynan ka soo wada jeedi karin hal jinsiyad ah.
Ruto ayaa sheegay in uu soo magacaabi doono 21 wasiir oo 10 ka mid ah ay haween yihiin.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay inay xaqiijin doonaan in haweenka, dhallinyarada iyo naafada ay xilal ku filan ka haystaan jagooyinka magacaabidda iyo kuwa la soo doorto labaduba.