William Ruto iyo qaramada midoobay oo ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka

0
512

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo kulan la yeeshay koox ay hoggaaminaysay agaasimaha guud ee xafiiska qaramada midoobay ee Nairobi Zainab Hawa Bangura ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay ka shaqeynta sidii doorashada guud ee bisha Siddeedaad ee sanadkan ay u noqon lahayd mid xor iyo xalaal ah oo ay ka soo baxdo natiijo lagu kalsoonaan karo.
Waxaa uu dhanka kale siyaasiyiinta la tartamaya ugu baaqay inay iyagana xaqiijintan u sameeyaan kenyaanka.
William Ruto ayaa hay’adaha qaabilsan maareynta doorashada ka codsaday inay inta karaankooda ah dadaalaan.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inay muhiim tahay in beesha caalamka ay Kenya garab ku siiso xaqiijinta doorasho xor iyo xalaal ah sidoo kalena daahfuran.
Hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa sheegay in jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ay u ballanqaaday inay garab istaagi doonto dalka si aynan Kenya uga dhicin dhibaatooyin la xiriira codeynta la qorsheeyay 9-ka bisha Siddeedaad.