Wiilka xeer ilaaliyaha qaranka oo la soo siidaayay

0
432

Waxaa xurriyadiisa dib u helay wiil uu dhalay xeer ilaaliyaha guud ee dalkani Kenya Justin Muturi oo lagu magacaabo Leslie Muturi.
Tani ayaa timid ka dib markii saacado ka hor la soo tabiyay in shakhsigan lagu afduubtay xaafadda Lavington ee ismaamulka Nairobi.
Waxaa dhacdadaasi shaaca ka qaaday xildhibaanka deegaanka Galbeedka Embakasi ee Nairobi Mark Mwenje oo afduubkaasi ku eedeyay ciidamada booliiska in kastoo ay iska fogeeyeen.
Leslie oo ganacsade ah ayaa waxaa baabuurkiisa lagu hor qabtay mid kale ka hor inta aan lala tagin.
Hasa ahaate, aabihiisa oo ah xeer ilaaliyaha qaranka Justin Muturi ayaa dhawaan xaqiijiyay in wiilkiisa la helay isagoo badqaba.
Laamaha ammaanka ayaa sheegay in ay guda galeen baaritaan dhacdadaasi ku saabsan.