Wiilal Soomaali ah oo qabow ugu dhintay xadka Turkiga iyo Giriiga

0
720

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah sheegtay in shan ka mid ah 12-kii tahriibayaasha dhawaan qabowga ugu dhintay xadka Turkiga iyo Giriiga ay ahaayeen Soomaali.
Qoraal ay barteeda Twitter-ka soo dhigtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay si wayn uga xumaatay dhacdadaas naxdinta leh, waxayna dalbatay in la sameeyo baaritaan ku aadan dhimashada muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Shanta qof ee ku dhintay ee Soomaalida ayay dowladdu magacyadooda ku sheegtay:
Cabdi Mahdi Cali oo ka soo jeeday magaalada Muqdisho.
Yaxye Jamaal Muumin oo ka soo jeeda Boorama
Abuubakar Axmad Ibraahim oo ka soo jeeda magaalada Boorama
Naasir Suleymaan Xasan oo ka so jeeda magaalada Jigjiga
iyo Najax Cabdi Axmad oo isna ka soo jeeda magaalada Jigjiga
“Dowladda federaalka ee Soomaaliya waxay ka dalbaneysaa dalalka ay arrintani khuseysa iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR inay si degdeg ah u sameeyaan baaritaan ku aadan sida ay muwadiniinta Soomaalida ku dhinteen,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda.