Wiil dhallinyaro ah oo lagu dilay xerada qaxootiga ee Xagardheer

0
815

Wararka ka imaanaya xerada qaxootiga ee Xagardgeer ee deegaanka Dadaab ayaa sheegaya in galabta bartamaha suuqa xeradaasi lagu dilay Cabdifataax Axmed oo da’diisu ahayd 22 sano jir.
Waxaa uu ka mid ahaa dadka ku nool xeradaasi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dilkan uu gaystay mid ka mid ah dadka qaadka ka ganacsada ee ka soo jeeda wadanka Kenya qaybihiisa kale islamarkaana aan soomaali ahayn.
Falkan oo dhacay abaare 3:30 galabnimo ee maanta ayaa waxaa ka dhashay rabshado ka dib markii gadood sameeyeen qaar ka mid ah dadka suuqaasi oo ka carooday dilka loo gaystay Alle ha u naxariistee Cabdifataax Axmed.
Waxaa dhanka kale boob iyo dhac loo gaystay qaar ka mid ah goobaha ganacsiga ee suuqaasi.
Laamaha ammaanka ayaa xoog ku kala eryay dadkii bannaanbaxa iyo gadoodka sameeyay.
Isbitaalka xerada Xagardheer oo aan la xiriirnay ayaa noo xaqijiyay in la gaarsiiyay meydka qofkii dhintay iyo 2 qof oo ay dhaawacyo ka soo gareen rabshadihi dhacay.
Laamaha ammaanka ayaa hadda wada baaritaannada falkii dhacay, waxaana gabi ahaanba caawa bandow ah suuqa xerada Xagardheer oo qayb ahaan habeenkii xilliga fiidkii shaqeyn jiray.
Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa wali ka hadlin arrinkan.
Wixii faahfaahin ah oo ka soo kordho qodobkan halkan aad kala socon doontaan.