Wiil dhallinyaro ah oo ku dhintay war ku taalla Dadaab

0
341

Wakiil wareedka warbaahinta Star ee Dadaab Maxamad Baaruud Xuseen ayaa ku soo warramaya in Alle ha u naxaristee Cabdirisaaq Cabdullaahi Sheekh Diyaad oo ka mid ahaa dadka ku nool tuulada Cabdisugoow oo hoostagta deegaanka hoose ee Dhamaajaaley ee deegaan baarlamaaneedka Dadaab ee ismaamulka Garissa uu war biyood ku dhintay.
Marxuumka oo ay da’diisu ahayd 27 sano jir ayaa la sheegay in warta biyaha uu galay si uu ugu qubeysto balse ceelbiyoodka oo aad u dheera uu liqay.
Dowladda ismaamulka Garissa ayaa dhawaan godkaasi qodday waxaana la sheegay in dadka iyo duunyadaba ay khatar ku tahay.
Falkan oo dhacay galinkii dambe ee shalay ayaa waxaa aad uga argagaxay dadka deeganka Dadaab, iyadoo goor dambe biyaha laga soo saaray meydka marxuumka oo maanta la aasay.
Waraha laga qoday gobaha ay dadku deggan yihiin ayaa waxaa marar badan dhacda inay dad ku nafwaayaan.
Dadka qandaraasyada ku qata qodidda waraha iyo biyo xireenada ayaa lagu eedeyay inaysan taxaddar badan sameyn oo aynan mas’uuliyad badan iska saarin khatarta ka dhalan karto qaabka ay mashruucyadan u hirgeliyaan.