Wiil 11 sano jir ah oo faraxumeyn iyo dil loogu gaystay magaalada Gaalkacyo

0
291

Wiil yar oo 11 sano jir ah, ayaa fal isugu jiray faraxumeyn iyo dil loogu gaystay magaalada Gaalkacyo, sida lagu caddeeyay qoraal rasmi ah oo ka soo baxay maamulka isbitaalka guud ee magaaladaasi.
Marxuumka oo magaciisa lagu sheegay, Cabdinaasir Yuusuf Jihaad, ayaa maalintii shalay ahayd isagoo mayd ah waxaa la geeyay isbitaalka waqooyiga Gaalkacyo.
Maamulka isbitaalka ayaa sheegay inay dhuuntiisa ka muuqatay calaamado ku saabsan in xarig lagu ceejiyay.
Waxaa sidoo kale maamulka isbitaalka caddeeyay in faraxumeyn loo gaystay wiilka yar, islamarkaana ay jiraan calaamado waawayn oo arrintaasi muujinayay markii la baaray.
Lama oga cidda ka dambeysa falkan, laamaha amniga ayaa wada baaritaan ku saabsan arrintan, iyagoo su’aalo weydiinaya qoyska marxuumka.
Waa falkii ugu horreeyay ee noociisa ah ee laga diiwaangeliyo magaalada Gaalkacyo, balse waa falkii labaad oo isugu jira faraxumeyn iyo dil oo ka dhaca magaalada Gaalkacyo.
Caaisha llyaas Aadan oo ahayd gabadh 12 sano jir ah ayaa sanadkii 2019-kii kufsi iyo dil loogu gaystay Gaalkacyo, waxaana raggii falkaas ka dambeeyay lagu fuliyay xukun dil ah.