WHO oo walaac ka muujisay dhulgariirka Turkiga iyo Syria

0
229

Agaasimaha guud ee hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay inuu walaac ka muujinaya dhulgariirrada ku soo noqnoqonaya waddamada dariska ah ee Turkiga iyo Syria.
Waxaa uu sheegay in kooxaha WHO ay caawinayaan howlwadeenada caafimaadka iyo isbitaallada dalalkaasi oo la gaarsiinaya agabka caafimaad si daryeel degdeg ah loogu fidiyo dadka u baahan.