Agaasimaha guud ee hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa dowladda Shiinaha ka codsaday inay faahfaahin ka bixiso sida uu ku soo billowday cudurka COVID-19.
Waxaa uu xusay inta sidan laga sameynaya inay jirayaan xaalado badan oo miiska saaran.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inay xukuumadda Beijing u bandhigeen inay la shaqeyso WHO si loo ogaado halka uu ka soo farcamay caabuqa saameynta ba’an ku yeeshay caalamka ee corona.
11-kii bishii Saddexaad ee sanadkii 2020-kii ayay ahayd markii WHO ay ku dhawaaqday in COVID-19 uu yahay musiibo caafimaad oo caalami ah waxaa uuna cadaadiska ay hadda saareysa Shiinaha ku soo aadaya Saddex sano ka dib.