WHO oo sheegtay in mid ka mid ah 6-dii qof ay saameyso dhalmo la’aan

0
211

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in mid ka mid ah 6-dii qof ee waawayn ay saameyn ku yeelato dhalmo la’aan.
Warbixinta cusub ee hay’adda ayaa muujinaysa in tiradan ay u dhiganta boqolkiiba 17.5.
WHO ayaa ku baaqday in loo baahan yahay daryeel caafimaad oo degdeg ah oo xaaladdan wax looga qabanaya.
Agaasimaha guud ee hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO Dr Tedros Adhanom ayaa xusay in baaritaannada lagu ogaaday arrin xaqiiq ah.