Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in 15,000 qof oo Falastiiniyiin ah ay si degdeg ah ugu baahan yihiin daryeel caafimaad.
Dadkan ayaa sugaya in laga soo daadgureeyo Qaza maadaama uu weli xiran yahay marinka ama xadka Rafah.
Sidoo kale , meydadka 54 qof oo Falastiiniyiin ah oo aan la aqoonsan kuwaaso ay soo wareejisay Israa’iil oo uu ka muuqday jirdil ayaa lagu aasay xabaal wadareed ku yaalla bartamaha Deir el-Balah.
Dhanka kale, Maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladda ee ICJ ayaa go’aamisay in Israa’iil ay ku qasban tahay in ay adeegyada aasaasiga ah gaarsiiso Qaza.
Waxay intaasi ku dartay in Israa’iil ay gaajeynta u adeegsanaysa qaab dagaal.
Tan iyo toddobadii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii, waxaa duullaanka militari ee ay weli Israa’iil ka wado Qaza lagu dilay ugu yaraan 68,234 ruux halka la dhaawacay 170,373 kale.