Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ku dhawaaqday in furuq daanyeerka loo yaqaano Monkeypox uu yahay xaalad caafimaad oo caalim ah oo degdeg ah.
Waxaa ay sheegtay in ilaa iyo hadda kiisaska cudurkan laga diiwaangeliyay in ka badan 50 waddan.
WHO ayaa xustay in caabuqa naadirka ee aadanaha uga soo gudbo xayawaanka ee loo yaqaano Monkeypox Virus uu yahay mid walaac muujinaya.
Waxaa ilaa iyo hadda xaaladaha la xiriira cudurkan la soo tabiyay ilaa 16,500 ee guud ahaan caalamka.
Agaasimaha guud ee hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa ku dhaawaqay go’aankan arrinkan xaaladda degdeg ah shaaca looga qaaday.
Hasa ahaate go’aankan aysan isku raacin khubarrada ka tirsan guddiga gurmadka ee hay’adda WHO.
Waxaa ay ahayd markii ugu horreysay oo madaxa hay’adda caafimaadka adduunka uu qaado tallaabo noocan oo kale ah ee ka dhan ah caabuqan.
Tedros Adhanom ayaa xusay in ku dhawaaqista xaaladda degdeg ah aysan micnaheedu ahayn in caabuqa uu si gaar ah u faafayo ama dilaa yahay.
Agaasimaha fulinta ee xaaladaha degdeg ah ee WHO, Dr. Mike Ryan ayaa carrabka ku dhuftay in go’aankan la qaatay si taxadar loo muujiyo.