Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ku baaqday in la qaado tallaabo degdeg ah oo lagu xakameynaya faafidda caabuqa corona.
Waxay baaqan u jeedisay dowladaha qaaradda Afrika.
WHO ayaa sheegtay in xaaladaha cudurka ay qaaradda ku kordhayeen toddobaad kasta boqolkiiba 25 muddo 6 isbuuc ah.
Tani ayaa tirada guud ee kiisaska laga diiwaangeliyay Afrika ka dhigtay in ka badan 5.4 milyan halka dhimashadu ay tahay 141,000 .