WHO oo daahfurtay qorshaha ka hor tagga isdilka

0
289

Iyadoo guud ahaan caalamka shalay looga dabbaal degay maalinta adduunka ee caafimaadka dhimirka ayay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO soo bandhigtay qorsho la doonayo in looga hor tago dhacdooyinka ay dadka uga takhalusaan naftooda.
Agaasimaha WHO ee Afrika Dr. Matshidiso Moeti ayaa bayaan ku sheegtay in cudurka safmarka ee COVID-19 uu caalamka ka abuuray dhibaato maskaxeed.
Hay’adda waxay sheegtay in qorshaha ay maanta daahfurtay la doonayo in looga hor tago isdilka.
Gudaha Afrika , 100,000 qof waxaa is dila 11 ka mid ah marka loo barbardhigo daafaha kale ee dunida oo tiradan ay tahay 9 qof 100,000 ee ruux.
Qaaradda dalalka ku yaalla waxaa ka mid ah 6 ku jiro liiska tobanka waddan ee ugu horreeya dhanka tirada dadka isdila.
Afrika waxaa ku hooseeya daryeelka caafimaad ee ay helaan dadka qabo xanuunnada dhimirka iyadoo halkii dhakhtar ee arrintan qaabilsan ay ku soo aadayaan 500,000 qof.
Tani ayaa 100 mar ka hooseysa talada hay’adda WHO.