Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ku baaqday in la furo marin si degdeg ah gargaarka baniaadannimo lagu gaarsiin karo shacabka ku go’doonsan Qaza.
Waxay sheegtay in xayiraadda Israa’iil ay saartay Qaza iyo duqeymaha cirka ee ay halkaasi ka waddo ay hannaanka caafimaad ee magaaladaasi gaarsiiyeen heer burbur ah.
Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa dhanka kale sheegtay in dadka aadka u xanuunsanaya ee ku jiro isbitaallada la buux dhaafiyay ee Qaza oo meel kale loo wareejiyo ay la mid tahay xukun dil oo la fuliyay.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo isticmaalka shidaalka gaabadka ah la tartiibinaya si aynan hakad u gelin daryeelka muhiimka ah sida qaybaha ICU-da , raajatada iyo dadka kilyaha laga sifeynaya .
WHO waxay doonaysa in howlwadeennada caafimaadka loo furo marin ay gudaha ugu geli karaan Qaza sidoo kalena in la soo daadgureeyo bukaannada iyo inta dhaawaca ah.
Hay’adda ayaa intaasi ku dartay in daawooyinka ay gabaabsi yihiin waxayna ka digtay in haddii aan tallaabo degdeg ah la qaadin in xaaladda caafimaad ee Qaza ay faraha ka bixi karto.
Guddiga caalamiga ee Laanqayrta Cas ee (ICRC) ayaa dhankiisa walaac ka muujiyay xaaladda ka taagan Qaza wuxuuna ku tilmaamay mid la dhibsado.