Afhayeen u hadlay Barnaamijka Cunnada Adduunka ee WFP ayaa sheegay in kolonyadooda baabuurta ee gargaarka siday lagu bartilmaameedsaday meel u dhow magaalada Mellit ee Waqooyiga Daarfuur ee dalka Suudaan.
Waxaa uu sidan u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.
Magaaladaasi ayaa waxaa ka jirta macluul.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo dowlado dhowr ah sida Maraykanka , Sacuudi Carabiya iyo Masar ay walaac ka muujinayaan xaaladda gaajada ee sii xumaanaysa ee ka jirta Suudaan oo ay colaado saameeyeen.
Dhinacyadan ayaa ku baaqay in dagaallada la joojiyo.
Baabuurta la weeraray ayaa tiro ahaan dhan 16.