WFP oo 7 bilyan ku bixinaysa la tacaalidda saameynta abaarta

0
423

Barnaamijka cunnada adduunka ee WFP ayaa ballan qaaday inuu dowladda Kenya ku wareejinaya lacag dhan 7 bilyan oo shilin si loogu adeegsado ka falcelinta saameynta abaarta.
Dhaqaalahan ayaa lagu caawin doonaa in ka badan 940,300 oo ruux oo macluul ku wajahaya 10 ismaamul.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaadday Agaasimaha WFP ee dalka Lauren Landis .
Ka dib kulan ay la yeelatay madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayay Ms Landis xustay in lacagtan la bixin doono inta u dhexeysa bisha Afaraad ilaa bisha Sagaalaad ee sanadkan.
Hay’adda ayaa intaasi ku dartay in wajigii koowaad ee caawimaadda ay ka faa’iidaysteen ugu yaraan 89,000 qoys halka wajigan labaad lagu taageeri doono 157,500 oo qoysas ah.
Ismaamullada caawimaaddan oo isugu jirta lacago caddaan ah iyo cunno laga qaybin doono ayaa kala ah Wajeer, Garissa , Mandera ,Isiolo, Kitui, Baringo, Tana River ,Turkana Samburu iyo Marsabit.