Afhayeenka Barlamaanka Qaranka Moses Wetang’ula ayaa doonaya in Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Maamulka Qaran Onesmus Kipchumba Murkomen uu Golaha u sheego xaaladda bixinta Kaararka Aqoonsiga ee gobolka Waqooyi Bari.
Isagoo ka hadlayay safar uu ku tagay magaalada Xagadheera ee deegaanka Dhadaab ee ismaamulka Gaarisa ayaa waxaa uu muujiyay walaac ah in, inkastoo dowladda ay meesha ka saartay shuruudaha baaritaanka, haddana codsadayaasha ay weli la kulmaan dib u dhac aan macquul ahayn oo ku yimaada helitaanka aqoonsiyadooda.
Wetang’ula ayaa ka xumaaday in inkastoo uu madaxweynaha amar cad ka bixiyay bixinta dukumentiga muhiimka ah ee aan shuruudda lahayn ee dadka deggan gobollada xuduudda, haddana dadka deegaanka ay weli la halgamayaan caqabado waaweyn.
Bishii Febraayo ee sanadkan 2025-ka, Madaxweyne William Ruto ayaa meesha ka saaray shuruudaha baaritaanka gaarka ah ee codsadayaasha kaararka aqoonsiga qaranka ee gobolka Waqooyi Bari, tallaabo loogu talagalay in howsha loo fududeeyo dadka deegaanka.




