Wetangula oo markii 2-aad xil looga doortay Commonwealth

0
286

Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetangula ayaa markii labaad loo doortay wakiilka Afrika ee guddiga wakiillada ka qayb galaya shirweynaha guddoomiyaasha baarlamaannada dalalka ka tirsan Commonwealth ee (CSPOC).
Wetangula ayaa sheegay in dib u doorashadiisa ay muujinaysa kalsoonida lagu qabo hoggaamintiisa.
Waxaa lagu doortay wareegii 27-aad ee (CSPOC) oo dhawaan qabsoomay.
Moses Wetangula ayaa ballan qaaday inuu mideyn doono xeer dejiyaasha qaaradda Afrika oo uu ka shaqeyn doono xallinta caqabadaha ay wajahaan baarlamaannada waddamada qaaradda.