Wetangula oo ku baaqay ilaalinta kheyraadka Afrika

0
200

Guddoomiyaha golaha baarlamaanka dalka Moses Wetang’ula oo uu wehelinaya dhigiisa aqalka sare Amason Jeffa Kingi ayaa ku baaqay in lagu dadaalo ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah ee qaaradda Afrika.
Waxaa uu furitaanka shirka 27-aad ee guddoomiyaasha baarlamaannada waddamada barwaaqa-sooranka ah ee (𝐂𝐒𝐏𝐎𝐂) ka sheegay in dhibaatooyinka dhanka cimillada ay soo noqnoqdeen.
Tani ayuu xusay in ay caqabad ku tahay cirib tirka saboolnimada ka jirta qaaradda Afrika.
Waxaa shirka 𝐂𝐒𝐏𝐎𝐂 ee sanadkan marti gelinaya baarlamaanka dalka Uganda oo ay hoggaaminaysa guddoomiyahooda Anita Among.
Kulanka ayaa ka qabsoomaya maqaaxida Commonwealth Resort ee aagga Munyonyo oo ka tirsan caasimadda dalka Uganda ee Kampala.
Moses Wetang’ula ayaa sheegay in baarlamaannada qaaradda Afrika ay mas’uuliyad ka saaran tahay dejinta iyo dardargelinta xeerarka lagula tacaali karo saameynta ka dhalata isbeddelka cimillada ku yimaada.
Dr. Wetang’ula ayaa carrabka ku adkeeyay in isbeddelka cimillada uu saameyn gaar ah ku leeyahay Afrika marka loo barbardhigo qaaradaha kale ee dunida in kastoo ay qaaraddu soo saarto wax ka yar boqolkiiba 4 gaaska hawada wasaqeeya.
Waxaa uu in ka badan 32 ka mid ah guddoomiyaasha baarlamaannada waddamada xubnaha ka ah dalladda barwaaqa-sooranka ee Commonwealth u sheegay in ay ka soo baxaan doorkooda ku aaddan in golayaasha fulinta ee dowladahooda ay ku cadaadiyaan wax ka qabashada saameynta cimillada.
Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa dhankiisa sheegay in shirweynaha uu yahay mid muhiim ah maadaama uu isu keenay hoggaamiyaasha baarlamaannada waddamo ay ku nool yihiin ilaa 2.4 bilyan oo qof oo haddii aan xuquuqdooda la ilaalin ay adkaanaysa in dunida si xasilloon loogu noolaado.
Waxaa Moses Wetangula iyo Amason Kingi shirkaasi ku wehelinaya ku xigeenka karaaniga baarlamaanka dalka Ms. Serah Kioko iyo dhigeeda aqalka sare Mr. Maxamad Cali.