Wetangula oo ballanqaaday inuu xoojinayo kalsoonida shacabka ee baarlamaanka

0
293

Guddoomiyaha cusub ee golaha qaran ee xeer dejinta Moses Wetangula ayaa sameeyay ballanqaad ah inuu xoojinaya kalsoonida ay dadweynaha ku qabaan baarlamaanka.
Arrintan ayuu sheegay xilli uu jeedinayay khudbad ka dib markii loo dhaariyay jagada guddoomiyaha baarlamaanka dalka .
Waxaa uu wacad ku maray inuu wanaajin doono xiriirka baarlamaanka kale dhexeya waaxyaha kale ee dowladda ee garsoorka iyo golaha fulinta.
Moses Wetangula oo noqday guddoomiyaha baarlamaanka 13-aad ee wadanka ayaa ballanqaaday inuu waajibaadkiisa shaqo u gudan doono si hufan oo aan cidna loogu eexan.
Senatarkii hore ee ismaamulka Bungoma ayaa xilkan loo doortay ka dib markii wareegii koowaad ee codeynta shalay dhacday uu ka soo hooyay codad gaaraya 215 halka Kenneth Marende oo la tartamayay uu helay 130 codad ah.
Iyadoo uu qorshuhu ahaa in loo gudbo wareegga labaad ee codeynta ayuu Marende tanaasulay taasoo keentay in Wetangula jagadan loo dhaariyo.