Weerar uu Ruushka ku qaaday Kharkiv oo ay ku dhinteen afar qof iyadoo rajada nabadda ay weli fog tahay

0
581

Weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushku ay ku qaadeen magaalada Kharkiv ee Woqooyi-Bari Ukraine ayaa sababay in ugu yaraan afar qof ay dhinteen, lix kalena ay ku dhaawacmaan, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta, saacado ka dib markii Washington ay ku eedeysay Xukuumadda Moscow “kordhin khatar iyo sharci darro ah” oo dagaalka ah, iyadoo heshiis nabadeed weli u dhowaanayn.
Guddoomiyaha gobolka Kharkiv, Oleh Syniehubov, ayaa Talaadada maanta ah sheegay in tirada dhimashada ee ka dhalatay weerarka ka dhacay hareeraha magaalada oo inta badan la beegsado ay gaartay afar qof.