Wasaaradda arrimaha dibadda wadanka Cuba ayaa sheegtay in weerar lagu qaaday safaaradda dalkaasi uu ku leeyahay magaalada Paris ee Faransiiska.
Weerarkan ayaa loo adeegsaday dhalooyin ololaya oo laga soo buuxiyay shidaal kuwaas oo lagu tuuray gudaha safaaradda .
Sawirro halkaas laga soo qaaday ayaa muujinaya burbur soo gaaray xarunta safaaradda.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee Twitter-ka wasiirka arrimaha dibadda Cuba waxaa uu ku cambereeyay weerarka oo uu ku tilmaamay mid argagixiso.
Wasiirka ayaa dhanka kale xaqiijiyay in aysan waxyeelo soo gaarin dibloomaasiyiinta iyo shaqaalaha ka howlgalayay halkaasi.
Bruno Rodriguez ayaa weerarkan ku eedeyay Maraykanka.
Booliska Faransiiska ayaan ilaa haatan wax war ah dhankooda ka soo saarin dhacdadan.
Balse waxaa xusid mudan in wadanka Cuba uu wajahayo mudaaharaadyo ay wadaan dadka shacabka ah ee dalkaasi.
Dadweynaha ayaa ka cabanaya dhaqaale xumo soo wajahday iyo sida xukumadda Cuba ay u maaraysay cudur sidaha corona.
Qoraalay ay Isniinti soo sareen ku dhawaad 20 dal oo ay ka mid tahay dowladda Maraykanka ayaa waxaa lagu cambaareeyay tallaabada dowladda Cuba ay xabsiyada dalkaasi ugu taxaabtay mudaaharadayaasha waxayna dalbadeen in si buuxda la soo celiyo adeegi intarneetka.