Weerar lagu qaaday hannaanka dhijitaalka ee adeegyada dowladda oo la xalliyay

0
358

Dowladda dhexe ayaa shaaca ka qaadday in ugu dambeyn la xalliyey caqabad soo foodsaartay hannaanka casriga ee lagu bixiyo adeegyada dowladda ee E-Citizen.
Tani ayaa timid ka dib markii koox aan weli la aqoonsan ay iskudayday inay bartan u dhacdo.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa bayaan ku sheegay in dadaal dheer ka dib la xalliyay culeyskii ay dareemayeen dadweynaha u baahan adeegyada dowladda.
Waxaa uu intaasi ku daray in barta E-citizen ay hadda sidii caadiga ahayd u shaqeynaysa.
Wasiirka isgaarsiinta, Eliud Owalo ayaa dhankiisa kenyaanka u xaqiijiyay in kooxda weerarka soo qaadday aynan ku guulaysan inay helaan macluumaad oo ay si khaldan u adeegsadaan.