Shirkadda Global Sumud Flotilla (GSF) ayaa sheegtay in dab uu ka kacay weerar lagu qaaday mid ka mid ah maraakiibteeda habeenimadii Talaadada, maalin kaddib markii diyaarad aan duuliye lahayn ay weerar ku qaadday markabkeeda ugu weyn ee Doomaha Qoyska ee Tuuniisiya.
GSF ayaa intaa ku dartey in dhammaan shaqalaheeda iyo rakaabkii saarnaa doonida ay bad qabaan.
Muuqaal ay xaqiijisay warbaahinta Aljazeera, ayaa muujinayay qalab gubanaya oo ku dul dhacay doonida qoyska maalintii Isniinta oo sababay qarax, balse Ilaalada Badda Tuniisiya ayaa sheegay in wax aan drones ah laga helin meel u dhow markabka.
Doonta qoyska ayaa ka mid ah tobanaan markab oo isu diyaarinayay inay u safraan Qaza, si ay u jebiyaan go’doominta Israa’iil ee dhulka Falastiiniyiinta.