Weerar khasaare sababay oo ka dhacay caasimadda Pakistan

0
336

Weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay bar kontorool oo ku taalla caasimadda dalka Pakistan ee Islamabad.
Waxaa goobta qaraxan laga soo tabiyay ku dhintay ugu yaraan hal askari halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay saraakiisha amniga sheegeen.
Kooxda hubaysan ee laga magac baxday Tehreek-e-Taliban Pakistan (TTP), ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, sida ay ku warrameysa wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganeysa mas’uul kooxdan ka tirsan.
Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhow xarunta taliska booliiska oo ay marto waddo halbowle u ah xarumaha dowladda ee islamarkaana ay ku yaallaan xarunta golaha xeer dejinta ee wadankaasi iyo xafiisyada sare ee dalkaasi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ugu yaraan afar askari oo ka tirsan ciidamada booliiska iyo labo qof oo shacab ah ay ku dhaawacmeen weerarkan.
Gaariga weerarka loo adeegsaday ayaa laga soo buuxiyay walxaha qarxa, waxaana uu bartilmaameedsig ahaa xarumaha muhiimka ee dowladda , sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha ee Pakistan, iyadoo aan faahfaahin kale bixinin.
Kooxda la magacbaxday TTP ee dalka Pakistan, ayaa la dagaalameysay dowladda wadankaasi tan iyo sanadkii 2007-dii.
Waxaa ay kooxdan tani iyo muddadaasi fulisay tobanaan weerar oo lala beegsaday dad rayid ah iyo ciidamada ammaanka ee dalka Pakistan.