Waxaa cirka isku shareeray qiiq ka baxay safaaradda Maraykanka ee Baqdaad kadib weerar lagu qaaday dhismaha ku yaalla caasimada Ciraaq.
Wakaaladaha wararka ee Reuters iyo Associated Press ayaa ku warramaya in gantaal lagu weeraray safaaradda, halka wakaaladda wararka ee AFP ay soo xiganayso ilo xog ogaal ah oo sheegaya in khasaare uu ka dhashay duqayn diyaaradeed.
Weerarka ayaa dhacay wax yar ka dib markii labo dagaalyahan oo Iran ay taageerto lagu dilay weerarro lagu qaaday caasimadda Ciraaq, AFP ayaa sidaa sheegtay iyada oo soo xiganeysa ilo dhowr ah.




