Waxaa karkaarrada jabsaday webiga Nyando ee ku yaalla ismaamulka Kisumu.
Tani ayaa timid ka dib roobab culus oo toddobaadkii ugu dambeeyay ka da’ayay gobolka Nyanza.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ganacsatada uu soo gaaray khasaare hantiyadeed iyadoo uu jiro ciriiri dhanka isku socodka gaadiidka ah ee buunddada aadka u mashquulka badan, waddada wayn ee xiriirisa ismaamullada Kisumu iyo Nairobi.
Hasa ahaate , lama soo tabin wax dhimasho ah oo la xiriirta daadadka.