Waxgaradka tuulooyinka oo bil waliba la siinaya 7,000 oo shilin

0
299

Guddiga miisaaniyadda ee baarlamaanka dalka ayaa ansixiyay lacag dhan 4 bilyan oo shilin oo ay dowladda dhexe sanad kasta u qoondeysay waxgaradka tuulooyinka.
Waxaa ay tani micnaheedu tahay in bil waliba la siin doono lacago gunnooyin oo ah 7,000 oo shilin.
Lacagta ayaa isugu jirto 4,000 oo shilin oo loo siinaya inay guddoomiye xaafadeedyada la qaataan afar shir, 2,000 oo shilin waa gunnada baabuur raaca halka 1,000 shilin loogu talagalay kaarka lagu shubto taleefoonka ee lagu hadlo.
Waxaa hindise sharciyeedkan gudbiyay mudanaha deegaanka Galbeedka Kibwezi , Mwengi Mutuse oo doonaya in dowladda ay odayaasha ku sharafto kaalinta ay ka qaataan isku dubaridka howlaha dowladda ee deegaannada hoose.
Tallaabada uu qaaday guddiga uu hoggaamiyo xildhibaanka deegaanka Kiharu ,Ndindi Nyoro ayaa la doonaya inuu baarlamaanka meel mariyo si qorshahan uu u hirgalo.