Waxbarashada bilaashka ah ee Zambia oo 2.3 milyan oo carruur ah dib ugu celisay dugsiyada

0
370

In ka badan 2.3 milyan oo carruur ah ayaa dib ugu soo laabtay dugsiyada ka dib markii Zambia ay soo bandhigtay siyaasadda waxbarashada bilaashka ah sida uu sheegay Wasiirka Waxbarashada Douglas Syakalima.
Wasiirka ayaa tilmaamay in siyaasaddan ay ka caawisay carruurta inay ka baxaan waddooyinka, isla markaana ay dhiseyso jiil mustaqbal leh oo anshax iyo wax soo saar leh. Waxaa uu xusay in carruurta ay u hami jireen waxbarasho, balse lacag la’aanta ay ka hor istaagtay.
Syakalima ayaa intaa ku daray in waxbarashada bilaashka ah ay gacan ka geysan doonto yareynta dhibaatooyinka bulshada sida dambiyada iyo shaqo la’aanta, isagoo waalidiinta iyo masuuliyiinta ku boorriyay inay ka faa’iidaystaan fursaddan oo carruurtooda u diraan dugsiyada.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dowladda ay qorsheyneyso in siyaasaddan loo rogo sharci rasmi ah bisha soo socota.
Dhanka kale, Kelvin Mambwe, Xoghayaha Joogtada ah ee Adeegyada Waxbarashada, ayaa sheegay in dowladda ay si joogto ah u kormeeri doonto fulinta siyaasaddan waxbarashada bilaashka ah dhammaan heerarka, laga bilaabo dugsiyada hoose ilaa kuwa sare. Waxaa uu maamulayaasha dugsiyada ku adkeeyay ilaalinta xuquuqda ardayda ee waxbarasho tayo leh oo bilaash ah iyo bixinta taageerada lagama maarmaanka ah si ardayda ay u sii wadaan waxbarashada.