“Waxaan ku laabtay fasalka Todobaad anigoo 31 jir ah laakiin ma helin shaqo”

0
506

Markii Dennis Ochieng Omondi uu go’aansaday inuu dib ugu laabto fasalka toddobaad ee dugsiga hoose dhaxe sannadkii 2009-kii isagoo 31 jir ah, riyadiisu waxay ahayd inuu sii wato waxbarashadiisa oo ugu dambeyntii noqdo macalin
Laakiin 13 sano ka dib, isaga oo hadda qaatay shahaadada koowaad ee degree, weli shaqo kama uusan helin Guddiga Adeegga Macallimiinta (TSC).
Hadda, waa 44-jir sido kalena ah aabaha saddex carruur ah, oo aragga naafo ka ah, ma hubo in go’aankiisa ku noqoshada dugsiga uu ahaa mid u qalmo dadaalka.
Laakiin inkastoo ay xaaladiisa cakiran tahay, Mr Omondi waxaa uu doortay in aanu weligii quusan.
Waxa uu shahaado ka qaatay jaamacadda Maseno balse TSC ayaa dhowr jeer diiday in ay shaqaaleysiiso hal ama labo sabab.
Isku daygiisii ugu dambeeyay wuxuu ahaa dhowr bilood ka hor, waxaana lagula taliyay inuu isku qoro koorsada horumarinta carruurta ee (ECD).
Wuxuu ku dhashay kuna barbaaray Ugenya, ee Ismaamulka Siaya, Mr Omondi aragtidiisu waxay ahayd xaalad fiican.
Waxa uu isaga baxay dugsiga ka dib imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiga hoose dhexe ee Kenya (KCPE) horaantii 1980-meeyadii.
Ka dib waxa uu bartay makaanikada, kadibna waxaa uu u wareegay Mombasa, halkaas oo uu ka hirgeliyay ganacsi uu ku guulaystay oo ah dayactirka baabuurta.
Waxa uu todobaadkii heli jiray ilaa 10,000 oo shilinka dalka ah, taas oo u sahashay in uu taageero waalidkii iyo walaalihii ka yaraa.
Waxa uu araga beelay toddobaad ka hor arooskiisa oo qorshaysnaa.
“Waan niyad jabay, saddex biloodna, waxaan lahaa fikrado isdil ah. Waxaan jeclaan lahaa in geeridu timaado oo ay i qabato,” ayuu yidhi.
Waxa uu dib ugu laabtay Siaya oo waxa uu bilaabay in uu tago xarunta caafimaadka indhaha ee Sabatia.
Dhakhaatiirta indhaha ayaa xaqiijiyay in xuubka isha uu si xun u waxyeeloobay. Ma jirin wax fursad ah oo uu dib u arki karay.
Laakiin dhakhaatiirtu waxay kula taliyeen inuu raadsado la-talin oo uu qaato xiisadaha Braille, wuuna sameeyay.
“Waxaan u dhoofay Nayroobi, halkaas oo aan iska diiwaan geliyey xiisadaha Braille ee dugsiga indhoolayaasha ee Machakos,” ayuu yidhi.
Intii uu ku sugnaa Machakos, waxa uu sidoo kale qaatay koorasyo gacanta lagu qabto, oo ay ku jiraan nadiifinta kabaha iyo shaqada maqaarka.
Ka dib waxa uu ku biiray dugsiga indhoolayaasha ee Thika si uu waxbarashadiisa sare u qaato, isaga oo ka keenay imtixaankii shahaadiga ahaa ee Kenya (KCSE).
Ka dib waxa uu iska diiwaan galiyay jaamacada Maseno si uu u barto shahaadada waxbarashada baahiyaha gaarka ah.
“Waxaan helay buundada credit 2015-kii ka dibna waxaan u gudbiyay TSC anigoo shaqo raadis ah, laakiin waxaa la igula taliyay inaan codsado koorsada shahaadada si aan u shaqeeyo,” ayuu yiri.
Sidaa darteed waxa uu ku laabtay Maseno si uu u barto shahaadada koowaad ee jaamacadda ee waxbarashada baahiyaha gaarka ah, oo ku takhasusay muusikada iyo diinta.
Markii uu ka qalin jabiyay bishii Abriil 2021, wuxuu dib ugu soo laabtay TSC isagoo rajo sare ka qaba inuu shaqo helo.
Markan waxaa lagula taliyey inuu soo saaro shahaado asluub wanaag iyo shuruudo kale oo uu sameeyay.
Balse ilaa iyo hadda ma uusan helin wax shaqo ah.