Barasaabka ismaamulka Machakos Wavinya Ndeti ayaa Isniintii ku dhawaaqday in shaqada laga joojiyay 36 ka mid ah shaqaalaha dowlad deegaanka kadib eedeymo musuqmaasuq ah.
Guddoomiyaha oo saxaafadda kula hadashay bannaanka xafiiskeeda, ayaa sheegtay in tallaabadan ay muujinayso sida ay uga go’an tahay horumarinta daacadnimada iyo ilaalinta danaha dadka deegaanka Machakos.
Ndeti ayaa sidoo kale sheegtay in liiska saraakiisha shaqada laga joojiyay ay ku wareejin doonto guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa (EACC) iyo Waaxda dambi baarista (DCI) si tallaabo dheeraad ah looga qaado.
Dadka shaqada laga joojiyey ayaa waxaa ka mid ah saraakiisha ismaamulka u qaabilsanaa ganacsiga, maamulka, khamriga, biilasha, dakhliga, iyo Isgaarsiinta iyo Tignoolajiyada (ICT).
Saraakiisha dowlad deegaanka ee shaqada laga joojiyey ayaa loo haystaa eedeymo musuqmaasuq oo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin warbixin la’aan ku saabsan khidmadaha degmada laga soo ururiyey, lacago la leexsaday, iyo bixinta rasiidhyo been abuur ah.
Guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in shaqaalaha ismaamulka ee shaqada laga joojiyey la sheegay in ay la shaqeynayeen dad shacab ah oo si sharci darro ah u soo saarayey sharciyo, taasoo dhibaato ku ah maamulka deegaanka.
Iyadhoo ku dhawaaqday shaqa joojinta shaqaalaha lagu sameeyay ayay Ndeti mar kale ku celcelisay inay ka go’an tahay xaqiijinta hufnaanta iyo daacadnimada gudaha dowladda ismaamulka Machakos, iyadhoo intaas ku dartay in mas’uul walbo oo musuqmaasuq ku lug leh talaabo sharci ah laga qaadi doono.