Waxaa xafiiskeeda maanta si rasmi ah ula wareegtay wasiirrada adeegga dadweynaha iyo jinsiyadda Aisha Jumwa.
Prof. Margaret Kobia ayaa xilka ku wareejisay.
1. This morning, outgoing Cabinet Secretary, Prof. Margaret Kobia handed over the ministerial docket to the incoming Cabinet Secretary, Hon. Aisha Jumwa at Harambee House. pic.twitter.com/xumXV11bOR
— Ministry of Public Service and Gender (@PSYGKenya) October 28, 2022
3.We welcome Hon. Aisha Jumwa on board and wish her the very best in her new role.
Karibu waziri.
— Ministry of Public Service and Gender (@PSYGKenya) October 28, 2022
Aisha Jumwa oo warbaahinta kula hadashay daarta Harambee House ee magaalada Nairobi ayaa sheegtay inay diiradda saari doonto isbeddel lagu sameynaya qaabka dadweynaha loogu adeego.
Waxay hoosta ka xarriiqday inay xaqiijin doonto in shaqooyinka loo dhiibo shakhsiyaadka u qalma.
Jumwa ayaa qirtay shaqada wanaagsan ee ay qabatay Prof. Kobia iyadoo sheegtay inay halkaasi ka sii wadi doonto sidoo kalena la dhaqangelinaya waxyaabaha ugu muhiimsan ee ku xusan qorshaha hoggaamineed ee isbeheysiga Kenya Kwanza.
Aisha Jumwa waxay sheegtay in Kenya ay ku guulaysatay horumarro dhanka sinnaanta jinsiyadeed ah , awoodsiinta dumarka iyo wax ka qabashada tacaddiga jinsiyadeed.
Waxay sidoo kale tilmaantay in mudnaan la siin doono horumarinta dhaqaalaha haweenka iyo soo afjaridda shaqaaqooyinka saameeya.
Aisha Jumwa ayaa xustay in la dhaqangelin doono xeerka sinnaanta jinsiyadeed ee qeexaya in wax ka badan saddex meelood labo meel saraakiisha loo magacaabaya xilalka kala duwan aynan hal jinsi ka soo wada jeedi karin.
Waxaa sidoo kale maanta xilkiisa la wareegay wasiirka warfaafinta , isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda Eliud Owalo.
Waxaa uu u mahadceliyay mas’uulkii ka horreeyay Joe Mucheru isagoo tilmaamay inay ka go’an tahay ka shaqeynta sidii ay Kenya horumar wax ku ool ah uga gaari lahayd dhanka dijitaalka.
Waxaa uu sheegay inuu diiradda saari doono sidii loo casriyeyn lahaa dhammaan adeegyada iyo diiwaanka dowladda.
The Kenya Kwanza dream for our Ministry is a noble &valid dream about a paperless society, driven by modern information and communication technology. It is about a modern society that leverages on technology for job creation and generation of wealth said CS @EliudOwalo pic.twitter.com/CjvfGOcxLF
— Ministry of Info, Comms and the Digital Economy (@MoICTKenya) October 28, 2022
1 am firmly focused on empowered digital Kenyan society & to lead in facilitating Kenya’s economic transformation by leveraging upon ICT for competitiveness & sustainable human development. Join hands with me in this viable pursuit said CS @EliudOwalo pic.twitter.com/UVOBHupDNf
— Ministry of Info, Comms and the Digital Economy (@MoICTKenya) October 28, 2022
@MOICTKenya Cabinet Secretary Communications and the Digital Economy @EliudOwalo earlier today took over office from outgoing CS Joe Mucheru, EGH. #HandingOver pic.twitter.com/yQygkeuion
— Ministry of Info, Comms and the Digital Economy (@MoICTKenya) October 28, 2022
Waxaa sidoo kale xafiisyada la wareegay Ababu Namwamba oo ah wasiirka arrimaha dhallinyarada iyo cayaaraha iyo Alice Wahome oo ah wasiirrada biyaha, waraabka iyo maareynta wasaqda.
1/3 I thank @AMB_A_Mohammed for facilitating a seamless transition. It is a moment of pride which enables us to embark on the delivery of service to Kenyans. The shoes I'm stepping into are indeed one of Kenya's giants and heroines, and it is a pleasure to take up the challenge. pic.twitter.com/LQk0Fs3DCB
— Ministry Of Sports, Culture & Heritage (@moscakenya) October 28, 2022
2/2 "I thank the stakeholders in the Ministry for their dedication and selflessness that has seen us improve sports status and uphold culture and heritage at local, regional and global platforms." ~@AMB_A_Mohammed pic.twitter.com/gdMjL4CAyP
— Ministry Of Sports, Culture & Heritage (@moscakenya) October 28, 2022