Wasiirrada waxbarashada ee 54 dowladood oo uu berri kulan uga furmi doono Nairobi

0
460

Waxaa berri magaalada Nairobi ka furmaya shirweynaha 21-aad ee arrimaha tacliinta oo ay ka qayb geli doonaan wasiirrada waxbarashada ee 54 dowladood.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay in marti gelinta kulanka ay iska kaashanayaan dowladda Kenya iyo xoghaynta waddamada barwaaqa sooranka ee loo yaqaano Commonwealth.
Waxaa uu intaasi ku daray in shirka uu socon doono ilaa Khamiista oo ku beegan 28-ka bishan Afaraad.
Hal-kudhigga shirka ayaa ah in dib looga fikiro hal-abuurka arrimaha tacliinta, in la kobciyo oo laga dhigo mid waara ka dib cudurka COVID-19.
Prof. George Magoha ayaa laga soo xigtay in ujeeddada ugu muhiimsan ee shirka loo qabanaya ay tahay in laga wada hadlo waxyaabaha dhanka waxbarashada ee u baahan in mudnaanta koowaad la siiyo.
Wasiirrada matalaya 54-ta dowladood ee xubnaha ka ah dalladda Commonwealth ayaa xoogga saari doono sida loogu guulaysan karo qorshayaasha horumarineed ee ku xusan hiigsiga 2030-ka.
Shirka ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galaya saraakiisha sar sare ee dowladaha , aqoonyahaano , mas’uuliyiinta ururrada rayidka, xeer dejiyaal iyo saaxiibbada dhanka horumarka.
Labada cisho ee uu kulanka socdo ayay isweydaarsan doonaan aqoon iyo waaya aragnimo la xiriirta habdhaqammada wanaagsan ee dhinaca tacliinta iyadoo dunidu ay ka soo kabanaysa saameynta baaxadda leh ee caabuqa corona.
Qodobbada ka soo baxo shirka ayaa looga doodi doonaa kulan ay hoggaamiyeyaasha waddamada xubnaha ka ah dalladda Commonwealth ay caasimadda dalka Rwanda ee Kigali ku yeelan doonaan bisha Lixaad ee sanadkan.