Wasiirrada shaqaalaha iyo arrimaha dhulalka oo berri baarlamaanka hor tagi doono

0
168

Waxaa uu qorshuhu yahay in wasiiradda wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada Florence Bore ay berri ka soo hormuuqato golaha qaran ee xeer dejinta.
Sidoo kale waxaa 14-ka bishan baarlamaanka hor tagi doono wasiirka wasaaradda dhulalka , howlaha guud , guriyeynta iyo horumarinta magaalooyinka ee dalka Mr. Zachariah Njeru.
Kulamada wasiirradan su’aallaha lagu waydiinaya ayaa billaaban doono 3-da galabnimo ee berri oo Arbaco ah sida lagu shaaciyay baraha bulshada ee baarlamaanka dalka.