Waxaa xarunta madaxtooyada dalka ee State House ee magaalada Nairobi ka socoto munaasabad ay wasiirrada dowladda dhexe ku saxiixayaan heshiis ku aaddan sida ay uga soo bixi karaan waxqabadka shaqo ee laga doonaya.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa horay wasiirrada ugu amray inay ka dhabeeyaan dhaqangelinta mashaariicdii horumarineed iyo barnaamijyadii uu maamulkiisa shacabka u ballanqaaday xilligii ololaha doorashada .