Wasiirrada wasaaradaha dowladda dhexe ayaa laga billaabo 23-ka bishan saddexaad waxay si toos ah su’aallo uga jawaabi doonaan iyagoo ku sugan gudaha baarlamaanka.
Tani ayaa timid ka dib markii isbeddel lagu sameeyay qaybta 25-aad farqada koowaad ee xeer hoosaadka baarlamaanka.
Waxaa mooshinkan baarlamaanka hor geeyay xildhibaanka deegaanka Ugenya David Ochieng.
Waxaa uu siyaasigan sheegay in tan iyo sanadkii 2010-kii oo la soo saaray dastuurka hadda wadanka laga isticmaalo inay adkayd la xisaabtanka golaha fulinta ee dowladda.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kimani Ichungwa ayaa sheegay in isbeddelkan looga gol-leeyahay in xildhibaannada oo matalaya shacabka ay maamulka madaxweyne William Ruto kula xisaabtamaan dhaqangelinta ballanqaadyadii uu u sameeyay kenyaanka.
Bishii Sagalaad ee sanadkii hore ayay ahayd markii uu madaxweynaha dalka sheegay in maamulkiisa uunan baarlamaanka ka xaddidi doonin la xisaabtanka golaha fulinta ee dowladda dhexe.