Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetang’ula ayaa ansixiyey in wasiirrada dowladda dhexe ay si toos ah su’aallo uga dhex jawaabaan baarlamaanka.
Wasiirrada ayaa sidoo kale looga baahan yahay inay xildhibaannada u soo bandhigaan warbixinnada laga dalbado.
Wetang’ula ayaa dhanka kale cadeeyay in xoghayeyaasha joogtada ah ama xoghayeyaasha maamulka sare aynan wasiirrada wakiillo uga noqon karin ka jawaabidda su’aallaha xildhibaannada sida ku qeexan isbeddelka lagu sameeyay xeer hoosaadka golaha .
Wasiir kasta waxaa laga doonaya inuu si shakhsi ah u hor tago baarlamaanka oo uu ka jawaabo arrimaha la xiriira wasaaradda uu hoggaamiyo.
Isbeddelka lagu sameeyay xeer hoosaadka baarlamaanka ayaa mudnaanta koowaad siinaya su’aallaha iyo warbixinnada loo bandhigo wasiirrada inay ka jawaabaan galinka dambe ee Arbacada iyagoo aan qaadanayn wax ka badan Saddex saacadood.
Kulanka ayaa soconaya ilaa 9-ka fiidnimo si xildhibaannada ay u helaan wakhti ku filan oo dhanka su’aallo waydiinta ah.
Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetang’ula ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in hab-raacan cusub uu xoojin doono qaabka baarlamaanka uu ula xisaabtamo golaha fulinta ee dowladda dhexe.