Wasiirrada Nairobi oo saxiixay heshiis shaqo

0
255

Dhammaan xubnaha golaha wasiirrada ee ismaamulka Nairobi ayaa saxiixay heshiis dhanka waxqabadka ah.
Waxay sheegeen inay ka go’an tahay gudashada waajibaadkooda si dadweynaha ku nool caasimadda wadanka ay u helaan adeegyo tayo leh.
Sidoo kale waxay sheegeen inay ka shaqeyn doonaan sidii mashaariicda horumarineed loogu hirgelin lahaa waqtiga loogu tala galay.
Waxaa arrintan goobjoog u ahaa oo xaqiijiyay barasaabka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja.
Sakaja ayaa xusay in qiimeynta ugu horreysa ee dhanka waxqabadka wasiirrada la sameyn doono 6 bilood ka dib.