Waxaa maalinka Talaadada ee 14-ka bishan la turxaan bixin doona saddex qof oo uu madaxweynaha dalka William Ruto bishii hore ee Diseembar u soo magacaabay xilal wasiirnimo.
Guddiga baarlamaanka waddanka u qaabilsan ansixinta shakhsiyaadka loo soo magacaabo jagooyinka dowladeed ayaa shakhsiyaadkan turxaan bixin doona.
Wasiirrada la turxaan bixin doona ayaa kala ah wasiirka magacaaban ee wasaaradda beeraha iyo xanaannada xoolaha Mutahi Kagwe, dhigiisa isgaarsiinta William Kabogo iyo Lee Kinyanjui oo loo soo magacaabay wasiirka ganacsiga, maalgashiga iyo warshadaha.
Shalay ayay ahayd markii guddiga baarlamaanka ee arrimaha difaaca, sirdoonka iyo xiriirka dibadda uu turxaan bixiyay shakhsiyaad loo magacaabay xilal diblomaasiyadeed.
Waxaa shakhsiyaadka shalay la turxaan bixiyay ka mid ahaa Ababu Namwamba oo uu madaxweynaha dalka u soo magacabaay wakiilka joogtada ee Kenya u fadhin doona barnaamijka arrimaha deegaanka ee qaramada midoobay ee (UNEP) ee xarunta qaramada midoobay ee magaalada Nairobi (UNON), Dr. Andrew Karanja, oo asna loo magacaabay safiirka Kenya u fadhin doona waddanka Brazil iyo Nuur Gaabow oo loo magacaabay qunsulka guud ee caasimadda Haiti ee Port-au-Prince.