Wasiirrada dalka oo billaabaya geeddisocodka xil wareejinta

0
504

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i ayaa sheegay in wasiirrada ay toddobaadka soo socdo madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ku wareejin doonaan faahfaahin ku saabsan wareejinta xilalka ay bulshada u hayaan.
Tani ayaa qayb ka ah diyaar garowga ku aaddan doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Geeddisocodkan ayaa horseedi doono in ka dib codeynta guud, xilalka loola kala wareegi si fudud.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa horay digreeto ku sheegay in bisha soo socoto loo diyaar garoobo xil wareejin.
Wasiir Matiang’i ayaa arrintan ka hadlay xilli uu magaalada Nairobi kulan kula qaatay saaxiibada Kenya ee dhanka horumarka sida bangiga adduunka , IMF iyo Midowga Yurub.
Sidoo kale waxaa uu wasiirku hay’adaha horumarineed u xaqiijiyay in dowladda Kenya ay diyaarisay tallaabooyin lagu xaqiijinaya in hoggaanka si habsami leh la isugu wareejiyo.
Wasiirka ayaa sheegay in doorashada guud aynan wax saameyn ah ku yeelan doonin dhaqaalaha iyo amniga qaranka.