Guddiga golaha hoose ee ismaamulka Garissa u qaabilsan turxaan bixinta shakhsiyaadka loo soo magacaabo xilalka, ayaa maalinkii labaad su’aallo weydiinaya xubnaha golaha wasiirrada ee uu soo magacaabay barasaabka dowlad deegaankaasi Nathiif Jaamac Aadan.
Waxaa maanta guddiga hor tagtay Ceebla Minhaj Dahir oo loo soo magacaabay wasiirrada waxbarashada , warfaafinta iyo ICT-da.
Qofkii labaad ee maanta lagu turxaan bixiyay Garissa ayaa ahayd wasiiradda magacaaban ee dhaqanka , jinsiyadda , dhallinyarada iyo cayaaraha Xaawa Cabdi Sahal.
Sidoo kale waxaa guddiga maanta ka soo hormuuqday Axmednadhir Cumar Sheekh oo ah wasiirka magacaaban ee arrimaha caafimaadka ee Garissa.




