Wasiirrada caafimaadka oo ka mid noqotay 100-ka qof ee ugu saameynta badan

0
205

Wasiiradda wasaaradda caafimaadka ee dalka Susan Nakhumicha ayaa ka mid noqotay 100-ka qof ee ugu saameynta badan ee ka soo jeedo Afrika (MIPAD) gaar ahaan dhanka caafimaadka iyo badqabka.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday madaxa fulinta ee MIPAD Kamil Olufowobi.
Waxaa wasiiradda lagu amaanay dadaalka ay ku bixisay wanaajinta daryeelka caafimaad ee wadanka.
Waxaa ay hay’addan bayaan ku sheegtay in sida loo sharfay wasiirrada ay caddeyn u tahay in dowladda Kenya ay ka go’an tahay bixinta adeegyo caafimaad oo tayo leh, la heli karo sidoo kale shacabka ay qiimo ahaan awoodaan.
Waxaa bayaanka MIPAD qayb ka ah in Susan Nakhumicha ay hormuud u noqotay dhaqangelinta xeerar caafimaad oo lagu wanaajiyay helidda adeegyada daryeelka ee gudaha Kenya.
Tani ayaa horseedday sare u qaadidda caafimaadka hooyooyinka iyo dhallaanka , xakameynta cudurrada iyo bixinta qalabka iyo daawooyinka muhiimka ah.
Kamil Olufowobi ayaa xusay in wasiirrada caafimaadka ee dalka ay u qalantay in waxqabadkeeda la aqoonsado oo lagu soo daro liiska 100-ka qof ee ugu saameynta badan.
Wasiiradda ayaa dhankeeda ka mahadcelisay sida loo sharfay.
Waxay sheegtay in tani aynan guul shakhsiyadeed ahayn balse ay sumcad u tahay wasaaradda caafimaadka sidoo kalena ay dhiirrigelinaysa dhakhaatiirta dalka.
Sidoo kale waxay sheegtay inay hadda diiradda saarayaan ka hor tagga xanuunnada iyo xoojinta caafimaadka halka horay lagu dadaali jiray daaweynta cudurrada.
Wasiirrada ayaa intaasi ku dartay inay sii wadi doonaan wanaajinta daryeelka caafimaadka ee gudaha dalka.
MIPAD ayaa ah barnaamij caalami ah oo lagu aqoonsado dadka dhalasho ahaan ka soo jeeda waddamada Afrika ee saameyn wanaagsan ku yeesha bulshooyinkooda.