Wasiirrada arrimaha dibadda ee Ruushka iyo Ukraine oo ku shiray Turkiga

0
343

Waxaa lagu soo warramayaa in la soo gabagabeeyay wada hadallo wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Ruushka iyo Ukraine ee kala ah Sergey Lavrov iyo Dmytro Kuleba uga qabsoomay magaalada Antalya ee dalka Turkiga.
Hasa ahaate wasiirka dibadda ee Ukraine ayaa sheegaya in la isla soo qaaday dhaqangelinta xabad joojin qaadanaysa 24 saacadood balse aan wax heshiis oo arrinkaasi ku saabsan la gaarin.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo saraakiisha Ukraine ay Ruushka ku eedeysanayaan in weerar uu ku qaaday isbitaal ku yaalla magaalada Mariupol lagu dilay saddex qof.